12/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2024
Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne
 

Axad, November, 24, 2024 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saacadahii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne.

Deegaanada kala Deefoow, Qooqane iyo Lafoole oo dhamaantood dhaca dhanka Waqooyi ee Baledweyne ayuu wabiga ka sameeyay fatahaad, waxaana halkaas isaga barakacay dadkii degana deegaanadaas.

Fatahaada wabiga ayaa sidoo kale la tagtay dalagyo kala duwan oo ku beerna dhul beereed baaxad leh oo la filayay in dhawaan laga goosto dalagyada ku beerna.

Mid ka mid ah dadka beeraleyda ah ayaa HOL u sheegay in fatahaadu ay ka baabi'isay dhamaan dalagyadii ugu beerna beertiisa oo ku taala deegaanka Qooqane oo qiyaas ahaan Baledweyne u jira 16 KM.

"Deegaanka waxaa looga barakacay Fatahaada oo dadku waxay u barakaceen dhulka buuraleyda ah, aniga beerteyda iyo beeraha la mid ka ah waxaa cagta mariyay dalahyadii ku yaalay biyaha wax ka badbaaday oo beero ah ma jiraan" ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah beeraleyda deegaanka Qooqane.

Fatahaadaan uu wabiga Shabeele ka sameeyay deegaanada Waqooyi ee Baledweyne ayaa kusoo aadaysa, iyadoo shacabka ku dhaqan Xaafadaha magaalada Baledweyne cabsi xoogan ka qabaan inuu ku fataho wabiga oo wada biyo faraha badan.