7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 1 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu bilaaban doono duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Dar es Salaam
 

Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daaud Aweys ayaa sheegay in todobaadyada  soo socda ay bilaaban doonaan duulimaadyo toos ah oo Tanzania iyo Soomaaliya kadib heshiis dhex maray labada Dowladood.

Wasiir Daaud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Tanzania ay ku heshiiyeen inay bilaabaan duulimaad toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Daarasalaam, iyadoo la filayo inay bilaabman doonto toddobaadyada soo socda ka dib wadahadalo muhiim ah oo laba geesood ah oo ka dhacay magaalada Dar es Salaam.

"Duulimaadyada qaranka Tansaaniya, Air Tanzania, ayaa la filayaa inay ku hawlgasho heshiiskaan cusub." ayuu wasiirka ku yiri qoraal usoo dhigay bartiisa X.

Heshiiskaan Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Abdisalam Abdi Ali, halka Tanzania na u saxiixay dhigiisa, Maxamuud Thabit Kombo, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah Tanzania.

Intaa waxaa dheer, labada dal waxay ku heshiiyeen inay cusbooneysiiyaan Heshiiskooda Badbaadada Duulimaadyada ee Laba geesoodka ah (BASA), kaas oo markii hore la saxiixay 1975.