7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2025
Somaliland oo Socdaalka Madaxweynaha ee Qatar Ku Tilmaantay Mid Guul Ah, Iyada oo Eedaysay Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in safarka uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku tagay dalka Qatar uu ahaa mid guul ah, isla markaana horseedi doona iskaashi cusub. Sidoo kale, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay hagardaamo joogto ah ku hayso Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha, ayaa sheegay in inkasta oo Qatar ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya, ay xukuumadda Somaliland masuul ka tahay inay qanciso xitaa dowladaha saaxiibka la ah Muqdisho.

“Adduunyada aaminsan midnimada Soomaaliya ayaanu la hadleynaa, annaguna waxaan dooneynaa inaan u caddeyno in madax-bannaanida Somaliland aanay waxba u dhimayn danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed, balse ay wax badan u kordhinayso. Warka kasoo baxay dowladda Qatar waa mid diblomaasiyadeed,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Wasiirku wuxuu sheegay in hadallada diblomaasiyadeed iyo xaqiiqadu mar walba kala duwanaan karaan. “Tusaale ahaan, waddamo taageersanaa weerarkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq, kharashkiisana 50% bixiyay, ayaa haddana cambaareeyay weerarkaas iyaga oo fadhiya Jaamacadda Carabta,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa ku daray in socdaalka Madaxweynaha uu kusoo dhammaan doono guul, islamarkaana laga filayo maalgashi weyn oo kasoo baxa. Sidoo kale, wuxuu xusay in Qatar ay ka mid tahay dowladaha xidhiidhka dhaw la leh Maraykanka, sidaas darteedna loo baahan yahay in si qoto dheer looga dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay si gaar ah uga shaqeynayso hagardaamaynta Somaliland, islamarkaana ay doonayso inay dhul Somaliland ka mid ah ka dhigto maamul goboleed hoos yimaada, taasoo uu sheegay in lagu wiiqayo madax-bannaanida shacabka reer Somaliland. Wasiir Ayaanle ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ka xuntahay socdaalka Madaxweyne Cirro uu ku tegay Qatar.

“Siyaasaddu waxay tahay in xataa cadowgaaga aad la shaqeyso haddii dantaadu ku jirto. Haddii qof dagaal kugula jiro aad ku tiraahdo ‘Salaama calaykum’, 50% cadhoodkiisa ayaad dejisay,” ayuu yidhi.

Dowladda Qatar oo iyaduna shalay ka hadashay kulanka dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani, ayaa sheegtay in kulankaasi uu ku saabsanaa xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan tahay midnimada dalka Soomaaliya.

Qatar waxay sheegtay in Ra’iisul Wasaaruhu uu la kulmay “Madaxweyne ka socda gobol ka mid ah Soomaaliya.” Sida oo kale, Kenya ayaa hore u sheegtay in Somaliland tahay gobol ka tirsan Soomaaliya, kadib markii Madaxweyne Cirro uu booqasho ku tagay halkaas.

Xukuumadda Somaliland ayaa hadalladaasi ku tilmaantay kuwo siyaasadeed oo aan ka tarjumayn waxa dhab ahaan looga wada hadlay kulamada heerarka sare ah, waxayna sheegtay in siyaasadda rasmiga ah ee ay la wadato Qatar ay ka duwan tahay hadallada diblomaasiyadeed oo ay ku tilmaantay qaar "dadban".