Hiiraan Online
7/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, July 2 , 2025
Howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo ka dhacay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Arbaco, Luulyo 2, 2025 (HOL) - Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya kuwa dada deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab si wadajir ah uga fuliyay goobo ay ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanada kala ah Mabaax iyo Tawakal oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo ShabeellahaDhexe.
Saraakiisha ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey iney ku dileen howlgalada tiro maleeshiyaad ah, islamarkaana sidoo kala ay burburiyeen fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen kooxdu.
Saraakiisha NISA maysan sheegin inta ay dhan tahay tirada kooxda Al-shabaab ay uga dileen howlgaladaan, waxaana howlgaladaan kusoo beegmayaan, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaanada ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay kooxdu ka waday dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku dooneyso iney dib ugu qabto deegaanadaan oo horay looga xureeyay.