7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 3 , 2025
Somaliland: Laba Qof oo Lagu Dilay Ismaan-dhaaf Ka Dhashay Dhul Macdan Laga Qodayey
 

Khamiis, Luulyo 3, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa toogasho ku dilay laba qof oo rayid ah kadib ismaan-dhaaf ka dhashay goob macdan laga qodayey oo ku taalla deegaanka Agabar ee gobolka Maroodijeex.

Isku dhaca ciidamada iyo shacabka ayaa yimid kadib markii ay rabshado dhigeen dad ka cadhooday shirkad deegaanka ka qoda macdanta, taas oo muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey dadka deegaanka.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay si ku-meel-gaadh ah u joojisay hawlihii macdan qodista ee shirkaddu ka waday deegaanka, iyadoo Madaxweyne Ku-xigeenku amray in hawlahaas la hakiyo ilaa amar danbe.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhankiisa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dadkii dhintay, isaga oo sheegay in uu guddi u saaray xalinta shaqaaqadan.

“Labada marxuum Alle ha u naxariisto, qoysaskii ay ka geeriyoodeena Alle samir iyo iimaan haka siiyo. Deegaanka waxaan ugu baaqaynaa nabad. Waxa kale oo aan sheegayaa in xukuumaddu guddi arrintan xal waara ka keena ay saartay, insha’Allaahna nabad ayay kusoo dhammaan doontaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Shaqaaqadan ayaa sidoo kale horseeday bannaanbaxyo ka dhacay magaalada Hargeysa, iyadoo dadku dalbanayeen in wax laga qabto dhibaatada, isla markaana booliisku ay joojiyaan adeegsiga xoogga marka ay bannaanbaxyadu dhacaan.

Madaxweynaha Somaliland iyo xisbigiisa Waddani ayaa si adag u cambaareyn jiray adeegsiga awoodda ciidamada booliiska xilligii ay mucaaradka ahaayeen, balse ilaa hadda waxaa booliisku toogasho ku dileen afar qof tan iyo markii xukuumadda Waddani ay xilka timid.

Dadka u ololeeya dib-u-habaynta booliiska ayaa ku doodaya in ay muhiim tahay in booliiska la siiyo tababaro la xidhiidha ka-hortagga mudaharaadyada iyo ilaalinta shacabka, sidoo kalena la joojiyo in madaxda leh xirfadaha milatariga loo dhiibo hoggaanka booliiska.