Khamiis, Luulyo 3, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sagaal musharax oo loo soo xulay xubinnimada Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ).
Xubnahan cusub ayaa waxaa golaha u soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Xubnahan la ansixiyay ayaa lagu soo xulay iyagoo lagu saleynayo sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda, iyadoo la raacay habraacyo iyo mabaadii’ caalami ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Guddiga xuquuqul Insaanka waxaa ku jira Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale kaasoo Xubin rasmi ah ka noqday guddiga.
Dhawaan, qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa cambaareeyay hannaanka ay dowladdu u martay Dhismaha guddiga xuquuqul Insaanka. Waxay Dowladda ku dhaleeceeyeen inay iyadu soo xulay guddigan.
Sagaalka xubnood ee guddiga ayaa kala ah:-1. Axmed Shiikh Xamsa Abshir .
2. Cali Maxamed Cilmi .
3. Dr. Cumar Cabdulle Calasow (PhD) .
4. Dr. Maryam Qaasim Axmed .
5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf .
6. Farxaan Maxamed Jimcaale .
7. Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud (PhD) .
8. Maxamed Haaruun Maxamuud .
9. Muumina Shiikh Cumar.