Hiiraan Online
7/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, July 5 , 2025
Laba nin oo Xoolo dhaqato ahaa oo maanta lagu dilay gobolka Galgaduud
Sabti, Luulyo 5, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balicad oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi duhurnimadii maanta lagu dilay laba nin oo xoolo dhaqato ahaa.
Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay iney deegaan ahaan kasoo jeedeen degmada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysnaa oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.
Wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo geystay ragaan xoolo dhaqatada ahaa, hayeshee waxaa lala xariirinaya dilkooda inuu salka ku haayo arimo la xariira aano qabiil.
Dilka labada marxuum ee xoolo dhaqatada ahaa ayaa durba abuuray xaalad cabsi ah oo laga qabo in dhacdadan ay sii huriso xiisadaha colaadeed ee mudooyinkii dambe ka jiray qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.
Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada, waxaana halkaasi marar badan ka dhacay dilal argagax badan oo la xariira aanooyin qabiil.