7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2025
Wasiirka Haweenka Puntland: Markaan kiisaska kufsiga maxkamadda geyno, waxaan la kulannaa odayaal doonaya inay ku dhameeyaan heshiisa
 

Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - Wasiirka Haweenka Puntland, Maryan Axmed Cali, ayaa muujisay walaac xooggan oo ku aaddan hirgelinta Xeerka Kufsiga Puntland, iyadoo sheegtay in odayaasha dhaqanku ay caqabad ku yihiin fulinta sharciga, maaddaama ay mararka qaar ka awood badan yihiin nidaamka dowladeed.

Wasiir Maryan, oo shalay hortagtay Baarlamaanka Puntland, ayaa tilmaantay in odayaasha dhaqanku ay si toos ah u hor istaagaan ciqaabta dambiilayaasha kufsiga geysta, iyagoo doorbidaya in kiisaska lagu dhameeyo hab dhaqameed.

Waxay ku eedeysay inay dhaqaale ka helaan heshiisyada la dhex dhigo qoysaska dhibbanayaasha iyo ehelada eedeysanayaasha.

“Tani waxay sababtay in kiisaska kufsigu si weyn ugu soo bataan Puntland, maaddaama dambiilayaashu ka badbaadaan ciqaabtii ay mudnaayeen,” ayay tiri Wasiirka. Waxay intaa ku dartay in qaar kamid ah eedeysanayaasha ay xabsiyada ka baxsadaan iyagoo sugaya in maxkamad la horkeeno.

“Markaan kiisaska maxkamadda geyno, waxaan la kulannaa odayaal doonaya inay ku dhameeyaan arrinta heshiis, waalidka gabadha oo leh waan is-afgarannay, sharcigii oo aan la fulinaynin, iyo gabadha la kufsaday oo dareemaysa cadaadis oo ka caga-jiidaysa inay qaadato garsoor rasmi ah,” ayay tiri Wasiirka.

Waxay codsi u dirtay Baarlamaanka, iyadoo ka dalbatay inay gacan ka geystaan dhaqan-galka xeerka kufsiga Puntland, oo dhigaya in qof kufsi geysta lagu xukumo xabsi ka badan 10 sano.

Dhinaca kale, Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan sheegay in sannadkan kaliya ay Puntland ka dhaceen ku dhowaad 60 kiis oo kufsi ah, kuwaas oo qaarkood ahaa kufsi iyo dil. Guddigu wuxuu sidoo kale shaaciyey in 17 kamid ah kiisaskaasi lagu dhameeyey hab dhaqameed kasoo horjeeda xeerarka Puntland iyo shareecada Islaamka.