7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo balan qaaday dib u dhiska wadooyin ku burburay roobkii ka da'ay Muqdisho
 

Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta waxa uu balan qaaday inay dib u dhis ku sameeyn doonaan qaar kamid ah wadooyinkii ku burburay roobkii dhowaan ka da'ay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Muungaab ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay kadib markii maanta uu dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Laamiga Zoobe oo ay biyaha roobka ay sameeyeen, muhiimna u ahaa isku socodka bulshada iyo gaadiidka caasimadda.

Duqa Muqdisho Muungaab ayaa ballanqaaday in dhawaan la dhisi doono sidoo kale waddada shaqaalaha oo burbur xooggan uu ka jiro iyo waddooyin dhowr ah, isagoo adkeeyay in canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celin doono.

“Waxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aas-aasiga ah oo ay ugu horeeyaan helidda dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, horumarinta caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa dhowaanahaan waxa ay cabasho ka ahaayeen waddooyin ay biyaha roobka sameeyeen oo ay adkaatay isku socodkoodi iyagoo ku andacoonaya inaan wax loogu qabanin canshuurta Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaado shacabka Caasimadda ku nool.