7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2025
Guddiga Taakulada ciidanka Puntland oo lagu eedeeyay inay ku tagri faleen dhaqaalihii ciidanka Calmiskaad ka dagaalamaya
 

Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - Guddiga Taakulaynta Ciidamada Puntland  ayaa lagu eedeeyay inay ku tafri faleen dhaqaalihii loogu talo galay daryeelka askarta ku dhaawacmay dagaalada ka socda Calmiskaad ee loogasoo horjeedo Daacish.

Qaar kamid ah askartii ku dhaawacmay dagaaladaas ayaa saakay kasoo baxay isbitaalada ay ku jireen ee magaalada Boosaaso, kaddib markii ay sheegeen in ay u adkaysan waayeen xaalado adag oo ay ku sugan yihiin, waxayna sheegeen in dowladdu ka jaratay daryeelkii caafimaad ee ay ka heli jireen.

Askarta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dowladdu dayacday, islamarkaas dhaqaalihii dadka reer Puntland ku bixiyeen daryeelkooda loo isticmaalay siyaabo gaar ah. Waxay sheegeen isbitaalada ay ku jireen inay ka joojiyeen adeegyadii caafimaad ee bilaashka ahaa ee ay ka haleyaan.

Saraakiil maamulka ka tirsan oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baarri Shire ayaa la kulmay ciidamadan, isagoo ku qanciyay in la xallinayo daruufahooda gaar ah ee ay ka cabanayaan.

Boqolaal askari iyo saraakiil badan ayaa Puntland kaga dhintay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad muddo ka badan 6 bilood. Howlgalka weli lama soo afjarin.

Tiro badan ayaa ku naafoobay dagaalladaas, kuwaas oo daryeelkii ay mudnaayeen aan  ka helin Puntland sida ay horey qoysaskooda u sheegeen.  

Dadka reer Puntland ee ku nool qurbaha ayaa malaayiin Dollar oo ay jaaliyaduhu iskasoo ururiyeen ku hagaajiyay guddiga taakulaynta ciidanka.