7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2025
Wasaaradda Dekedaha Soomaaliya oo Saxiixday Heshiis Caalami ah oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Dhaqaale ee Afrika iyo Türkiye
 

Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Saxiixday Heshiis Caalami ah oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Kaabeyaasha Dhaqaale ee Afrika iyo Türkiye sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda.

Soomaaliya heshiiskaan waxaa u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Cabduqaadir Maxamed Nuur, waana heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Türkiye iyo wasaaradaha u xilsaaran gaadiidka dalalka Afrika ee xeebaha leh, waxaana uu xoogga saaraya xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ee gobolka.

"Maanta waxaa si guul leh noogu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh, Heshiiskan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka" ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo ka hadlaayay muhiimada heshiiskaan.

"Tani waa tallaabo muhiim ah oo mideyneysa dalalka Afrika iyo Türkiye si wadajir loogu horumariyo kaabeyaasha isku xirka, loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo waara." ayuu hadalkiisi sii raaciyay Wasiirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhagan istaraatiijiyaddeeda horumarinta kaabeyaasha, waxay mudnaan siineysaa horumarinta dekedaha si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale, loona abuuro fursado shaqo sida ay sheegtay Wasaaradda.