7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2025
Trump – Shakhsiyad jecel faanka, in la buunbuuniyo iyo in la mahadiyo, aadna u neceb dhaliisha
 

Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiyaha ugu faanka badan, ugu amaanta jecel, iyo kan ugu buunbuuninta badan guulaha uu sheegto inuu gaadhay.

Marka uu sharxayo wax uu qabtay, waxa uu adeegsadaa erayo ay ka mid yihiin: "lama arag", "taariikhi ah", "aniga oo keliya samayn kara", "cajiib ah", "heer sare ah", "guul weyn", "dadka ii qiray", "aan la gaadhi karin", "cid kale ma samayn karto", "bilaayiin dollar ayaanu helnay" iyo kuwo kale oo muujinaya faan iyo buunbuunin.

Trump maalmahan wuxuu ku faanayay inuu saxeexay heshiis "lama arag ah" oo uu ku sheegay mid uu dib ugu dhisay NATO, kadib markii dalalka xubnaha ka ah ay kordhiyeen dhaqaalaha ay ku bixiyaan difaaca. Wuxuu yidhi: "Aniga ayaa badbaadiyay NATO. Waxaan keenay heshiis taariikhi ah oo Yurub ugu dambayn bilyano ku bixinayso. Cid kale ma samayn lahayn!."  Isaga oo si toos ah iskaga dhigay badbaadiyaha Reer Galbeedka.

Waxa kale oo uu meelkasta kaga faanaa inuu damiyay xiisaddii u dhaxaysay Hindiya iyo Pakistan, taasoo gacan ka hadal isu beddeshay dhawaan. Wuxuu yidhi: “Markii aan galay arrintan, waxay ahayd xaalad qarax u dhow. Aniga dartay ayaa hadda nabad lagu sheekaysan karaa. Dagaalkaas waxaan u damiyay si cajiib ah!."

Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in tallaabadii uu xabad joojinta ku kala dhexdhigay Iran iyo Israa'iil ay ahayd mid "aan horay loo samaynin." Waxa uu ku faanay in uu joojiyay dagaalkii 12-ka cisho ee Iran iyo Israa’iil, isaga oo yidhi: “Dagaalka Iran iyo Israa’iil anaa joojiyay, xataa kii Hindiya iyo Pakistan anaa joojiyay, laakiin cidi iima qirsana. Waxaan ahay nabad-dhalliye!”

Trump waxa uu si buunbuunin ku jirto uga hadlay weerarkii ay ciidamada cirka Maraykanku ku qaadeen xarumaha nukliyeer Iran isaga oo sheegay in weerarkaasi la mid yahay kii lagu qaaday Horishima iyo Nagasaaki, "Weerarkaas wuxuu ahaa mid aan taariikhda hore u dhicin. Xarumaha nukliyeerka Iran dhulka ayaa lala simay gabi ahaanba. Ciidamada Maraykanka oo ah kuwa ugu khatarsan adduunka, waxay beegsadeen xilli qudcur ah oo aan dayax jirin. Habka aanu haysanno cid kale ma haysato, anaga uunba sidaas samayn karna!"

Trump aad ayuu u jecel yahay in la amaano oo laga mahadsheegto. Marka la amaano, wuu dhagaystaa isagoo muusoonaya; marka qaladkiisa la tilmaamana, wuu xanaaqaa, qofkii dhaliilana si degdeg ah ayuu u weeraraa ama beenaale ayuu ku tilmaamaa. Sabtidii, wuxuu amaan kala dul dhacay gabadh Afrikaan ah oo wariye ah oo fahamsanayd luuqadda Trump lagula hadlo isaga oo xitaa siiyay hadiyad.

Hariana Veras, oo ah wariye ka shaqaysa Aqalka Cad kana timid Afrika, ayaa ka warbixisay xaaladda rajo ee ay ku aragtay gudaha dalka Congo kadib markii la shaaciyay heshiiska nabadeed. Waxay sheegtay in shacabka reer Congo muujiyeen farxad iyo rajo cusub oo ku aaddan mustaqbalkooda, isla markaana ay ka mahadsheeganayeen Trump. Waxay sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, doonayo in Trump loo sharaxo abaalmarinta Nabadda Adduunka.

Arrintaas Trump aad buu uga helay, isagoo yidhi: “Si qurux badan ayaad u sheegtay, waana sax. Waxa kale oo aad tahay qof qurux badan, kor iyo hoosba waad ka qurux badantahay.” 

Dhanka kale, Trump aad buu u neceb yahay warbaahinta dhaliisha, sida CNN, wuxuuna ku tilmaamaa "beenaalayaal" mar kasta oo ay dhaliilaan hawl uu qabtay. Dhawaan wuxuu soo jeediyay in la eryo wariyeyaal baahiyay warbixin sirdoon oo sheegaysay in Iran ay bilo gudahood dib u bilaabi karto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka mid ahaa madaxda la kulmay Trump balse aan ka faa’iidin kadib markii uu dhaliishiisa sheegay. Trump ayaa si xun u bahdilay xilli uu ku booqday Aqalka Cad, kadib hadal uu Zelensky sheegay oo ahaa in ay suuragal tahay in Maraykanku galo xaalad la mid ah tan Ukraine. Trump ayaa si cadho leh ugu jawaabay: “Waligay waanu fiicnaan doonaa, hana noo sheegin waxa nagu dhici doona. Mar qudha mahadsanid namaad odhan wixii aanu kuu qabanay, abaal laawe ayaad tahay!”

Gabagabadii, Trump waa nin aad u jecel in la buunbuuniyo, lagana mahadsheegto, aadna uga xumaada dhaliisha. Waxa uu buunbuuniyaa wax kasta, xitaa doorashadii uu ku soo baxay wuxuu ku tilmaamaa guul taariikhi ah, oo aan hore dunida uga dhicin, wax aan dib danbe loo arki doonin. Dhanka kale dagaalka dhaqaalaha ee uu dunida ku qaaday ayuu ku sheegay in uu yahay guul taariikhiya oo la gaadhy iyo in isbadal dhaqaale oo wayn uu dhici doono.