Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Wasiir dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan, ayaa kulan heerkiisu sareeyo la qaatay Ku Xigeenka Wakiilka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Christopher Laker, waxayna ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray dadaallada istiraatijiyadeed ee looga faa’ideysanayo kheyraadka badda ee baaxadda leh ee Soomaaliya, taasoo uu wasiirku ku tilmaamay mid muhiim u ah shaqo abuurka, sugnaanta cuntada, iyo kobaca dhaqaale waara.
Wasiir Maxamed waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo taageerada farsamo iyo mid maaliyadeed ee UNDP si ay Soomaaliya uga caawiso in ay si buuxda u xaqiiqsato kartida wax soo saarkeedi xeebaha iyo badda, Wuxuu ku baaqay in la sameeyo barnaamijyo wadajir ah, awood hay’addeed oo xooggan, iyo maalgashi waara oo lagu sameeyo kalluumeysiga, gaadiidka badda, iyo hab-nololeedyada xeebaha.
“Khayraadka badda Soomaaliya waa hanti qaran oo muhiim ah, waa in aan ka wada shaqeynaa sidii aan qiimo buuxa ugu yeelan lahayn dadkeenna,” ayuu yiri Wasiirka, isaga oo intaa ku daray in kor loo qaado hindisayaasha dhaqaalaha buluugga ah ay wax weyn ka tari doonto dhimista faqriga iyo horumarinta mustaqbalka fog.
Christopher Laker ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay UNDP inay taageerto mudnaanta horumarinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqaalaha buluugga ah, wuxuuna soo dhaweeyey sida ay Dowladda diiradda u saareyso joogtaynta iyo kobaca loo dhan yahay.