7/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2025
Somaliland oo sheegtay in dowladda Qatar ka wadahadleen iskaashiga dhaqaalaha iyo tamarta
 

Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani, waxayna ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, tamarta iyo waxbarashada, Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland. 

"Kulankan ayaa lagaga wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Qatar," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta koboca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas."

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa dowladaha ugu fog marka laga hadlayo in ay Somaliland la yeelato xidhiidh diblumaasiyadeed. Cirro ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee safar rasmi ah ku taga boqortooyadan ku taalla Jasiiradda Carabta.