Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
Wasaaradda Aw-qaafta iyo culimada Muqdisho oo bulshada ugu baaqay in ay taraawiixda iyo cishaha guryahooda ku tukadaan
Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Aw-qaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Shiikh Nuur Maxamed Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi iyo qaar kamid ah culimada Magaalada Muqdisho ayaa waxey maanta yeesheen kulan looga hadlayay sidii wadaaddada ay qeyb uga noqon lahaayeen la dagaallanka xanuunka COVID-19 oo ay dowladda hadda dagaal kula jirto.
Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen culimo si weyn dalka looga yaqaanno ayaa waxaa la isla soo qaaday in bulshada ay u hoggaansamaan talooyinka dhinaca caafimaadka ee ka imaanaya dhaqaatiirta, waxaana la isla gartay in salaadda taraawiixda lagu tukado guryaha si faafidda xanuunka COVID-19 hoos loogu dhigo.
Culimadii ka qeybta ka aheyd kulanka ayaa waxey sheegeen iney muhiim tahay in la qaato talada dhaqaatiirta ka timid islamarkaana ay dadka farayaan in loo hoggaansamo amarka dowladda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo Coronavirus.
Gabagabadii kulanka waxaa ka hadlay wasiirka Wasaaradda Aw-qaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Sheikh Nuur Maxamed Xasan waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in madaxda wasaaradda iyo culimada ay isla qaateen dhammaan ajandayaashii shirka, isagoo shacabka ugu baaqay iney iney u hoggaansamaan bandowga, salaadda cishaha iyo taraawiixdana waxaa uu ku war geliyay in ay guryahooda ku tukadaan.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho