Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo beesha caalamka u sharraxay xaaladda dalka iyo guulaha dowladnimo ee la gaaray
Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ka qeyb-galay wada-hadal xagga Internet-ka ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dib u kabashada hannaanka dowladnimo iyo dadaalka loogu jiro sidii mar kale Soomaaliya ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.
Wada-hadalka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiin matalayay Midowga Afrika, midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriis-ka, IGAD, iyo Qaramada midoobe, waxayna ku amaaneen Soomaaliya ambaqaadka geeddi socodka dowladnimo ee taaba-galaya.
Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulankaan oo uu meeqaamkiisu sarreeyay waxa uu beesha caalamka u sheegay in hoggaanka iyo shicibka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca dowladnimada ah.
Dhammaan kasoo qeyb-galayaashii kulanka ayaa midba geestiisa waxa uu ballan-qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdish