11/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2020
Puntland oo soo gudbisay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer Federaal

 

Khamiis, October, 22, 2020 (HOL) –Madax-tooyada Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa lagu waramayaa in ay si rasmi ah u soo gudbisay magacyada xubnaha ku matalaya guddiyada la filayo in dhawaan loo saaro Doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee sida lagu heshiiyay ilaa daba-yaaqada sanadkan ka shaqeyn doona soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka cusub.

Puntland labada xubnood ee uga mid noqonaya Guddiga Doorashada Baarlamaanka heer Federaal ayaa kala ah  Cabdiweli Tima-cadde iyo Muuse Geelle Faroole, halka dhinaca kale labada xubnood ee uga mid noqonaya Guddiga xalinta khilaafaadka ay kala noqonayaan Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin Maxamuud.

Dowlad Gobolleedyada kale ee dalka ayaa la sheegay in qaarkood ay gudbiyeen xubnaha ku matalaya guddiyada doorashada halka kuwa kalana laga sugayo si loo guda-galo arrimaha Doorashada dhamaadka sanadkan ilaa horaanta sanadka 2021ka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in xukuumadiisa cusub ka shaqeyn doonto oo kaliya sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Doorashada oo ay wadajir u gaareen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada kaa oo sidoo kale uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.\

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]