Hiiraan Online
1/19/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
Mareykanka oo hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu baaqay isu tanaasul
Sabti, September 5, 2020 (HOL) - Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa war uu soo saaray wuxuu bogaadiyay hannaanka Dowladda Soomaaliya ay hadda u wajaheyso xaaladda siyaasadda dalka iyo wada-hadallada lagu wado iney ka furmaan magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo lagu faafiyay barta Twitter-ka ayaa waxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ugu baaqday, hoggaanka dalka iyo maamul Goboleedyada iney la yimaadaan dabacsanaan siyaasadeed iyo isu-tanaasul.
Dhinaca kale waxay safaaradda Mareykanka ammaantay dowrkii hoggaamineed ee uu la yimid madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye "Qoor qoor".
Hadalka safaaradda Mareykanka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Muqdisho ay ku suganyihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntalnd, islamarkaana la qorsheynayo in Madaxweynaha Soomaaliya ay kala hadlaan xaaladda dalka.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]