1/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaalin mug leh ku yeelanaya hoggaaminta howlaha amniga dalka
 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray amniga Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa ku heshiiyay istiraatiijiyad ciidamada amniga Soomaaliya ay ku yeelan karaan door hoggaamineed howlaha amniga ee socda.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socday Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS), taliyayaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya (SNA) iyo kuwa AMISOM, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kooxda UK Mission Support Team iyo dhowr ka mid ah la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan muujiyo sida ay uga go'antahay dhamaan qorshayaashii aan ku heshiinay waxaanan caddeynayaa in ciidamada XDS ay ka go’an tahay inay fuliyaan qaybtooda sidii lagu heshiiyey, ”ayuu yiri taliyaha Ciidamada Difaaca XDS, Jeneral Odawa Yuusuf Raage.

Bilaha soo socda Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiyaan mas'uuliyadda amniga ciidamada amniga ee Soomaaliya, waxaana tallaabadaan ay qeyb ka tahay qorsheynta isku dubaridka ka bixitaanka ciidamada Amisom Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online