Hiiraan Online
11/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Kulan Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalku galay, maadaama la dajiyey habraacyada doorashada Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya iyo muhiimada uu amniga u leeyahay doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, la isku raacsan yahay, si nabdoon ku dhacda, cid kasta oo tabasho qabtana laga qancin doono, si hannaanka doorashadu u noqdo mid ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu raali ka wada yihiin.
Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee horseeday horumarka iyo is fahamka ay ku socdaan Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]