11/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Golaha wakiilada Somaliland oo iska fogeeyay eedo la xidhiidha dacwada Coldoon oo xeer ilaalinta uga yimid
 

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Golaha wakiilada Somaliland, ayaa iska fogeeyay mid kamid ah qodobada lagu soo eedeeyay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sheegaya in aqalka golaha wakiiladu uu ka mid yahay dhibanayaasha soo dacweeyay Coldoon.

Xildhibaan Axmed Khaliif Jamac, ayaa warbaahinta u akhriyay warqad galaha kasoo baxday, isagoo sheegay in goluhu aanu wax lug ah ku lahay eedaha loo haysto Coldoon "Golohu wuxuu caddaynayaa in aanu dhinac ka ahayn, eedaha loo haysto maxbuuska, isla markaana aanu dhibane ka ahayn si xeerka waa faqsan".

Sidookale, qaar kamid ah xildhibaannada, ayaa sheegay in xeer ilaalinta la waydiin doono, cida golaha ka been fariintay ee dacwadan u gudbisay.

"Shakhsiyad qaanuuni ah ayuu golahu leeyahay cida dacwadaa siisay waala waydiin oo golaha ayaa u yeedhi doona, waxan leeyahay Cabdimaalik Muuse Coldoon wixii uu sheegay wax burinaya wali xukuumada lagama hayo" waxa sida yidhi xildhibaan Maxamed Abiib.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waajahaya eedo ay kusoo oogeen dugsiyo waxbarasho, waalidiin iyo dad kale, isagoo muddo bilooyin ah xabsiga madheera ku jira, kadib markii uu sheegay in dugsiyo waxbarasho oo Somaliland ku yaala laga faafiyo diinta Masiixiga.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]