11/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Galmudug oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo adeegsanayay hoobiyayaal

 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) -  Afhayeenka maamul Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed jawaab ka bixiyeen weerar hoobiyayaal ah oo xalay Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Dhuusa-Mareeb.

Afhayeenka ayaa sheegay in markii ay hoobiyayaasha ku dhaceen magaalada durbabadiiba ciidamadu ku bixeen halka ay ka soo dhacayeen madaafiicda iyaga oo dul tagay xubno ka tirsan Al-shabaab oo hoobiyayaal ridayay.

Wuxuu sheegay in xubnahaas qaar ka mid ah toogasho lagu dlay halka kuwa kalana la qabtay iyaga oo dhaawac ah.

Weerarkan xalay lagu qaaday Dhuusa-Mareeb ayaa imanaya magaaladu isku diyaarineyso shir u furmaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]