Hiiraan Online
11/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir u gaar ah ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa ku shireen magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, kadib markii uu fashilmay shirkii iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya kaga arrinsanayeen khilaafka doorashada.
Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynayaashu caawa soo saari doonaan war-murtiyeed ku aadan xaaladda doorashada iyo kaalintooda kaga aadan sidii looga hortagi lahaa in dalka galo jahwareer siyaasadeed.
Waa shirkii ugu horeeyay oo ay madaxda dowlad goboleedyadu u dhan yihiin tan iyo intii aysan siyaasada ku kala qeybsamin, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo ay saacaddo ka harsan yihiin muddo xilleedka madaxweyne Farmaajo.
Puntland ayaa sheegtay caawa wixii ka dambeeya in ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayna rajo fiican ka filayaan waxa ka soo baxa shirka magaalada Dhuusomareeb.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gogasha shirkan dhigay, ayaa iskudayaya in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada horseed ka noqdaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in doorashada lagu heshiiyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay si kedis ah uga duulay magaalada Dhuusomareeb, waxyar kadib markii lagu kala dareeray shirkii uu lalahaa shanta madaxweyne iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]