1/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
UK oo dhimaysa maalgalinta ay siiso hay’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya
 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Hay'adaha gargaarka ee UK ayaa lagu qasbay inay joojiiyaan adeegga rugaha caafimaadka ee Soomaaliya, kuwaas oo caawiya 2,000 oo haween iyo caruur ah bishiiba.

Sida uu daabacay wargeyska the Guardian, tallaabadan ayaa ka dambeysa ka dib markii miisaaniyadda maalgelinta ay hoos uga dhacday 0.7% dakhliga guud ee UK.

Hay’addaha waxa looga digay inay la kulmi karaan dhimis ilaa 40% oo ah maalgalintooda UK.

Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda Action Against Hunger, Haajir Maalim, ayaa shaaciyay in lagu war galiyay in aysan sameynin wax balan qaadyo maaliyadeed ah.

“Waxaan wajaheynaa halista kale ee cunno yaraan iyo fiditaanka Covid-19. Qorsheheena wuxuu u egyahay 40% dhimis, taasna waxay ka dhigan tahay in la xirayo rugaha caafimaadka ee Muqdisho.” ayuu yiri Haajir Maalim.

Boqortooyada Midowday (UK) waa dalka labaad ee gargaarka ugu badan siiya Soomaaliya, wuxuuna sanadiihii 2019-20 bixiyay £ 147m.

UK ayaa sidoo kale ku dhawaaqday Isniintii in ay jareyso barnaamijka gargaarka ee Yemen in ka badan 50%, inkasta oo Qaramada Midoobay ay ka digtay macaluul soo fool leh.

Qiyaasta dhimista barnaamij noocaan oo kale ah ayaa argagax gelisay mudanayaasha baarlamaanka, inkasta oo Boqortooyada Midowday ay wali tahay wadanka shanaad ee deeq bixiyayaasha Yemen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]