11/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Doorashada kuraastii ugu horeeysay ee Aqalka Hoose oo maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho
 

Isniin, November 1, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay ka qabsoonto doorashada laba ka mid ah kuraastii ugu horeeysay Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi.

Labada kursi ee doorashadoodu maanta ka dhaceyso xarunta tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa ku tartami doono afar Musharax oo uu ka mid yahay raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ku tartamaya kursiga tirsigiisa yahay HOP239.

Musharaxiinta maanta tartami doono waxaa dooranaya 101 Ergo oo shalay magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan doorashada, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada maanta ka dhaceysa Xarunta Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya xubno ka socda guddiyada doorashooyinka Federaalka, xalinta khilaafaadka iyo kuwa Somaliland iyo Masuuliyiin kale.

Amaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada kuraastii ugu horeeysay ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si weyn maanta loo adkeeyay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay bilaabato doorashada labadan kursi.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe kormeer ku sameeyay goobta maanta ay ka dhaceyso doorashada laba ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ee Somaliland, isagoona warbixin ka dhageystay guddiga doorashooyinka Somaliland oo uu kula dardaarmay hirgelinta doorasho si hufan ku dhacda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]