Hiiraan Online
11/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 4 , 2021
Golaha Baarlamaanka ee Itoobiya oo meel mariyay bayaanka xaaladda deg degga ah oo socon doona muddo 6 bilood ah
Khamiis, November 4, 2021 (HOL) - Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa waxaa lagu ansixiyay bayaanka xaaladda deg degga ah ee dalka lagu soo rogayo, taas oo dhawaan ay ku dhawaaqeen golaha wasiirada ee Itoobiya.
Ansixinta xaaladda deg degga ah ee lagu soo rogay dalka Itoobiya ayaa ka dhigan in si buuxda u hirgalayo fulinta dhammaan waxyaabaha la xiriira bayaanka xaaladda deg degga ah, kaas oo socondoona muddo 6 bilood ah.
Xaaladdan deg degga ah ayaa dalka Itoobiya lagu soo rogay, kaddib markii la sheegay in kooxda TPLF iyo Jabhadda OLF ee Oromada oo is garabsanaya ay sii laba jibaareen dagaalkooda ka dhanka ah dowladda Itoobiya, isla markaana maalmihii u dambeeyay ay kusoo siqayeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo ay dowladdu u aragtay xaaladdan deg degga ah mid lagu dejinayo jahawareerka is biirsaday ee ka jira Itoobiya.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]