Hiiraan Online
11/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada baaq kasoo saaray xaaladda bini’aadannimo ee dalka
Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wasaaraddaha Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayay sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bini’aadnimo ee ay wajahayaan 7.7 milyan qof oo Soomaali, kuwaas oo ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, daadadka, fatahaada, cuno-yarida, go'doominta iyo nafaqo darrada.
Masuuliyiinta ayaa shirkaan kasoo saaray baaq ku saabsan sidii loogu gurmadi lahaa malaayiinka qof ee wajahaya xaaladdaha adag.
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka lagasoo saaray shirka:-
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]