Hiiraan Online
11/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo Maanta dooranaya kuraastii ugu dambeysay
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.
Sadaxda kursi ee Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Muqdisho ayaa ah kuwii uhu dambeeyay 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi, waxaana horay Muqdisho loogu doortay 43 kursi, taasoo ka dhigan in doorashada kuraasta gobolada Waqooyi Maanta lasoo gabagabeynayo, islamarkaana ay fuliyeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi heshiiskii ahaa in doorashada lagu soo dhameystiro 25-ka Febaraayo 2022.
Guddiga doorashada gobolada Waqooyi waxa uu diiwaanka ku galay in uu qabtay doorashada Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, iyadoo ay dhacday doorashadaas 1-dii November 2021, waxaana markale diiwaanka u galay iney kusoo gabagabeeyeen doorashada kuraasta Golaha Shacabka waqtigii loogu talo galay, islamarkaana ay noqdeen maamulkii ugu horeeyay ee dhameystira doorashada.
Kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi oo ka kooban 46 kursi ayaa dhamaantood lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]