11/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2022
Dowladda Mareykanka oo 10 Milyan oo doolar dul dhigtay sadax masuul oo ka tirsan Al-shabaab

Isniin, November, 14, 2022 (HOL) - Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya  Soomaaliya Danjire Larry Andre iyo Safiir ku xigeenka Mareykanka ee dalka kenya oo shir jaraa'id Maanta si wadajir ah ugu qabtay xarunta Safaarada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lacag gaaraysa 10 Milyan oo dollar waxay dul dhigeen xubno sare oo ka tirsan Madaxda Ururka Al-shabaab.

Hogaamiyaasha lacagta la dul saaray ee ka tirsan kooxda Shabaab ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaha ugu sareeya Ururka Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu Cubeyd, Mahad Karatee iyo Jehad Serwan Mostafa.

Safiirka Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka Soomaaliya ee Al-shabaab looga qabsaday deegaano dhowr ah.

“Ma haysaa xogta Diiriye, Karate ama Mostafa? Fadlan ka qayb qaado qorshaha lagu raadinayo helista abaalmarin dhan $10,000,000 (Toban Milyan oo Doollar) haddii ay suuragal tahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Danjire ku xigeenka Safaarada Kenya ee dalka Mareykanka ayaa sidoo kale soo bandhigay goobaha lagula wadaagi doono macluumaadka ay raadineyso dowladda Mareykanka ee la xariira saddexda sarkaal ka tirsan Al-shabaab ee abaal marinta lagu bixinayo.