Hiiraan Online
11/30/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2022
Axmed Ciise Cawad: Puntland uma baahna xilligan geeddi qarda jeex ah
Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay madaxweynaha Puntland inuu doonayo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah oo uu xukunka kusii dheeraysto.
Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Puntland xilligan aysan u diyaarsanayn doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu sheegay inaysan jirin guddi madax bannaan ah oo la isku hallayn karo, sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada Siciid Deni ay faraha si toos ah ugula jirto arrimaha doorashada.
“Doorasho qof iyo cod waxay u baahan tahay in sahay loo sameysto, in beri samaad lagu furo reerka. Looma baahna geeddi qarda jeex ah oo colaad huriya,” ayuu yiri Cawad.
Si kastaba ha ahaatee, wasiir hore Axmed Ciise Cawad ayaa kamid ah siyaasiyiinta caddeeyay inay u sharraxan yihiin doorashada madaxweynaha Puntland ee 2024.