Hiiraan Online
11/30/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Muqdisho ku kulmay
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayay soo gaaray Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la wadaagay dhigiisa Jabuuti Xasan Maxamed Cumar howlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood ee ka dhanka ah kooxda shabaab iyo guulaha muhiimka ah ee laga gaaray oo Al-shabaab ee looga qabsaday magaalooyin badan.
Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jabuuti Xasan Maxamed Cumar oo ay socdaalkiisa ku wehlinayeen xubno ka tirsan saraakiisha ciidanka dalka Jabuuti ayaa dhankiisa balan qaaday in dowladda Jabuuti ay garab istaag buuxa diyaar ula tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Wasiir Xasan Maxamed ayaa sidoo kale xusay in dowladda Jabuuti ay ka go'an tahay fulinta balan qaadyadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu u sameeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya dhamaadkii bishii December sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-kii isagoo ku sugna magaalada Muqdisho.
Dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya ay ka joogaan ciidamada ku howlgalada magaca howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ka howlgala magaalooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.