1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Soomaaliya oo la wareegtay guddoomiyaha Kormeerka joogtada ee Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay

Khamiis, Juun 1, 2023 (HOL) - Soomaaliya ayaa la wareegtay guddoomiyaha meertada ah ee Xafiiska Kor-joogtada Ergada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha u fadhiya Soomaaliya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle oo xilkan qabanaya, ayaa xarunta Qaramada Midoobay ka jeedin doona hadalka korjoogtada ee ergada dalalka Midowga Afrika.

Xafiiskan ayaa shaqadiisa ka mid tahay inuu si guud uga shaqeeyo aragtida iyo danaha ergada waddamada Midowga Afrika ee QM.

Shaqada uu qabto Ergada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay ayaa ah isku dubbaridka xidhiidhada heer safiirnimo ee Ergada Joogtada ah ee Afrika ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale Midowga Afrika ku metelaa Qaramada Midoobay iyo sidoo kale horumarinta iyo joogteynta xidhiidh wax ku ool ah oo u dhexeeya AU.

Ambassador Baale ayaa xilka kala wareegaya Amb. Fatima Kyari Mohammed oo ahayd korjoogtada joogtada ah Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.