11/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Maraykanka oo soomaaliya usoo magacowday safiir aan caadi ahayn oo awood buuxda ku metela
 

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Mareykanka ayaa Ambasador Richard H. Riley, usoo magacowday Safiir aan caadi aheyn oo Soomaaliya u fadhindoona, kaas oo haysta awood buuxda oo uu kumatalo dawladda Mareykanka.

Safiirka cusub ayaa darajo sare ka gaaray siyaasadda arrimaha dibada ee Maraykanka.

Richard H. Riley, waa xubin ka tirsan Adeegga arrimaha dibadda ee sare. Waxa uu noqday La-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Safaaradda Maraykanka ee Ottawa, Canada.

Safiirka cusub wuxuu soo ahaa Qunsulka guud ee Mareykanka ee Peshawar, Pakistan. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay hawlo hogaamineed oo sare sida safiir ku xigeen (Charge d'Affaire), iyo ku xigeenka madaxa safaaradda Maraykanka ee Oslo, Norway, kaaliyaha madaxa safaarada Maraykanka ee Kabul, Afgaanistaan, ku xigeenka madaxa ergada Safaaradda Mareykanka ee Sanca, Yemen, iyo Wakiilka Sare ee Kooxda Dib u dhiska Gobolka Nangahar, Afgaanistaan.

Sidoo kale wuxuu soo ahaa, Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Masar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Isuduwaha Sare ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, Ciraaq.

Haddii senate-ka Mareykanka uu meel mariyo waxa uu bedeli doonaa Larry André oo xilka hayay tan iyo Febraayo 2022.