11/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2023
Golaha ammaanka oo baaraya shakhsiyaadka ku lugta lahaa xadgudubyada dagaal ee ka dhacay Laascaanood
 

Khamiis, October, 12, 2023 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la qaado tallaabooyin dabagal ah oo ku saabsan la xisaabtanka shakhsiyaadka masuulka ka ah xad gudubyada dagaal ee ka dhanka ah arrimaha bini’aadantinimada ee ka dhacay intii ay socotay colaadda Laascaanood ee gobolka Sool.

Golaha ammaanka ayaa go’aankan qaatay, kaddib markii uu dhegaystay oo uu tixgaliyay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya, si waafaqsan farqadda 47 (c) (i) ee qaraarka 2662 (2022).

Qaraarka 1844RES/2008, ayaa wuxuu dhigayaa in cunuqabatayn maaliyadeed iyo kuwa safar ba lagusoo rogo shakhsiyaadka ku xusan warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga khubarada Soomaaliya.

Guddiga ayaa ku eedeeyay shaqsiyaadkan, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda, inay ku kaceen, falal la xiriira beegsiga dadka rayidka ah, xarumaha waxbarashada, isbitaallada, afduubka iyo barakicinta dadka rayidka ah, iyo sidoo kale inay horjoogsadeen gargaarka bini'aadantinimo.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, inay xaqiijiyaan gargaarka bini’aadantinimo, isla markaana loo ogolaado inay Laascaanood tagaan kooxaha ka hortagga walxaha qarxa, sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista iyo ururada ay khusayso.