Hiiraan Online
1/22/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2023
Ciidanka dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan gobolka Bakool
Isniin, October, 23, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 260-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Ciidamada ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay deegaanka Eel boon oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Waajid, halkaas oo mudooyinkii dambe ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhame Onkod Macalin Aadan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in deegaanka Eel boon ay si rasmi ah ugala wareegeen kooxdii shabaab ee halkaas ku sugneyd.
Taliye Onkod ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay kusoo furteen hub iyo gawaari ay u isticmaalayeen kooxda Shabaab dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaanka Eel boon.
Wuxuu sidoo kale xusay taliyaha inuu sii socon doono howlgalka noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.