Hiiraan Online
11/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2023
ICRC oo sheegtay inay aastay 42 askari oo looga tagay goobihii lagu dagaalamay ee Laascaanood
Isniin, September, 4, 2023 (HOL) - Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in ay aastay 42 mayd ah oo lagasoo saaray jiida hore ee dagaalka Sool. Hay'adda ICRC waxay sidoo kale booqatay in ka badan 300 oo maxbuus oo kamid ah ciidamadii Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood.
War-saxaafadeedka ICRCda ayaa lagu xusay in toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalada, halka 42 meyd ah lagasoo soo aruuriyey goobihii lagu dagaalamay si loogu sameeyo aas.
“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. Taas macneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo,” ayay tiri hay’adda caalamiga ah ee ICRC.
Dagaalada gobolka ayaa socday tan iyo bilowgii sanadkan, waxaana colaaddu ay sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, burbur hantiyeed oo baahsan iyo boqolaal kun oo qof oo ka barakacay guryahoodii.