Hiiraan Online
11/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2024
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo shaaciyay Musuqmaasuq ka jira Safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan
Sabti, April, 6, 2024 (HOL) - Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa u gudbiyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliyeed warbixin baaris iyo fatash ah oo xafiiska Hantidhowrka uu ku sameeyay Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay magaalada Masqat ee dalka Cummaan.
Warbixinta baariseedka iyo fatashka Xafiiska Hantidhowrka ayaa sidoo kale lagu sheegay in midadii u dhaxeysay kowdii bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii ilaa 31-12-2023 in xarunta Safaarada ay ka dhaceen ilaa sagaal fal dambiyeed.
Baarista iyo fatashka lagu sameeyay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa sidoo kale lagu caddeeeyay iyo Safiirkii Soomaaliya dalkaasi u joogay Cumaan iyo masuuliyiin kale ay sameeyeen musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo iibsasho hanti dowladeed, sida qoraalka lagu cadeeyay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka u soo bandhigo warbixin baariseed ka dhan ah safaarado iyo hay’ado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood lagu helay kiisas xasaasi ah oo musuqmaasuq ah.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Hantidhowrka oo faahfaahsan:-