Hiiraan Online
11/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya laba ruux oo lagu dilay deegaanka Baalal dheer ee gobolka Galgaduud
Axad, Agoosto, 11, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen tuulada Baalal dheer laba nin oo shacab ahaa.
Dilka labadaan ruux loogu geystay tuulada Baalal dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haayo aargoosi aano qabiil.
Ragaan la dilay oo caan la ahaa deegaanka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinaasir Maxamuud Cilmi Mataan, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Cadaado.
Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa goobta ka isaga baxsaday, waxaana xusid mudan in gobolka Galgaduud mudooyinkii lasoo dhaafay si aad ah ugu soo kordhayeen dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiil ah.
Ugu dambeyntii dilka labadaan nin Xalay loo geystay ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowr habeen ka hor sidaan oo kale deegaan lagu magacaabo Oodan oo ka tirsan gobolka Galgaduud aano qabiil loogu dilay labo nin oo walaalo ahaa.