12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2024
Fahad Yaasiin " Mucaaradka hal baa seegtay, Walise Daba qabasheey leeyihiin"
 

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad sugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka dhawaajiyay qodobo uu ku duraayo Mucaaradka kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu Fahad Yaasiin shaaca ka qaaday in ay qurux badneyd in doodaha mucaaradka ay ku qotomaan afkaar iyo aragti ee aysan noqonin mucaradnimo soo taagan kaliya.  

"Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn, isagoo baddalay dastuurkii Jubaland, uuna toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan" ayuu ku yiri qoraalkiisa Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa ka dhaawajiyay in Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn inay dhasho inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna ahayn iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas.

Ugu dambeeyn waxa uu Fahad Qoraalkiisa kusoo idleeyay "Waxaa ku habboon mucaaradka aragtiyadooda inay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleysan yihiin si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado. Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah? Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa".