1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Safiirka UK ee Soomaaliya: Waa in xal nabadeed lagu dhameeyaa xiisadaha ka taagan Jubbaland
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa kulan kula yeeshay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, si ay uga wada hadlaan xiisadaha ka taagan Jubbaland iyo dadaallada nabadeed ee looga baahan yahay in lagu xalliyo xaaladda taagan.

Safiir Nithavrianakis ayaa ku baaqay wadahadal in lagu dhameeyo xiisadaha ka taagan dowlad goboleedka Jubbaland. Waxa uu sheegay in UK ay ka go’an tahay taageeridda horumarka Soomaaliya.

Dhinaca kale, war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya laguma xusin in xiisadaha Jubbaland ay si gaar ah uga mid ahaayeen qodobadii ay ka wada hadleen Xamse iyo Safiirka UK.

Xafiiska raysal wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid diiradda lagu saarayay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, siyaasadda, iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha.

Beesha caalamka ayaa horey u muujisay walaac ka dhan ah xiisadaha Jubbaland, iyagoo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo xaaladaha cakiran. Dhawaan ayay soo saareen baaq ay ku adkeynayaan muhiimadda wada hadalka, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inuu dib ugu laabto shirka wadatashiga si xal loogu helo xiisadda jirta.