Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo Turkiga u gaaray kaqeyb galka wada hadalada Dowladiisa iyo Itoobiya
Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay ka degay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u tagay ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wada halada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa si aad ah uga dhex muuqda Wasiirkiisi Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Nabad Sugida Sanbaloolshe, Ra'iisul Wasaare kuxigeenki hore xildhibaan Mahdi Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi.
Horey Dowladda Soomaaliya waxa ay u sheegtay inaysan wada hadal toos ah miiska la fadhiisan doonin Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inta uu ka laabanayo heshiiskii ay Dowladda Itoobiya la gashay Somaliland iyo inay ixtiraamto ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.