1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Jubbaland oo sheegtay iney gacanta ku hayso qaar ka mid ah ciidanka dowladda oo ay ku qabatay dagaalkii Raas kambooni
 

Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga gudaha Jubbaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda deegaanka Raas kaambooni ee gobolka Jubbada hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay si buuxda gacanta ugu hayaan Raas kambooni, kadib dagaaladii cuslaa ee Shalay ka dhacay deegaankaas iyo nawaaxigiisa.

Wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ahaa mid xaqdaro ah oo lagu soo qaaday Jubbaland, hayeshee ay ka guul gaareen dagaaladaasi, islamarkaana ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah ciidankii dowladdu ee ku sugnaa Raas kambooni.

"Waxaan ka xunahay sida ay wax u dhaceen Shalay marar badan ayaan ka dignay in sidaan ay wax dhacdaan, balse madaxda dowladdu way ka madax adeegeen, hada Raas kambooni geesiyaasha Jubbaland ayaa gacanta ku haya, ciidankii dowladda qaar way isa soo dhiibeen qaarna kenya ayay firxad ku galeen, kuwa isku so keen dhiibay si wanaagsan ayay ciidankeena ula dhaqmeen kuwa Kenya, galay, waxaan leyahay u soo laabta dalkiina cidna wax idinma yeeleyse " ayuu yiri Wasiir ku xigeenka amniga Jubbaland Aadan Axmed Xaaji.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka iney gacanta ku hayaan diyaarad Drone ah oo uu xusay iney ka qeyb qaadaneysay dagaalkii Shalay ka dhacay Raas kambooni iyo nawaaxigeeda.

"Waxan hayna diyaarad Drone ah oo qeyb ka aheyd dagaalkii Shalay waan soo bandhigeyna iyadana, waxaana madaxda dowladda ugu Fedaraalka ugu baaqaya in markale aysan ku fikirin waxyaabahii Shalay dhacay oo kale iney sameeyeen, waxaan kalo cadeynaya in masuuliyada wax walba oo la xariira dagaalkii Shalay uu qaadanayo Xasan Sheekh Maxamuud" ayuu yiri Wasiir Aadan Axmed.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada Jubbaland, isagoona sheegay iney ku abaal marin doonaan talaabooyinka ay qaadeen maalintii shalay aheyd.