1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Dowladda Federaalka: Al-Shabaab ayaa gacan weyn ku lahaa weerarka Raaskambooni
 

Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay maamulka Jubbaland inuu xiriir la leeyahay kooxda Alshabaab, kaddib jabkii ciidamada dowladda kasoo gaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Raaskambooni oo ay ciidamada Jubbaland soo qaadeen.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in gaadiid dagaal iyo ciidamo Jubbaland ah ay soo dhexmareen deegaanno ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, kahor inta aysan weerarka fulin.

Wasiir Alcaddaala ayaa tilmaamay in xogaha dowladda ay hayso ay muujinayaan in Alshabaab ay si toos ah ugu gacan siisay Jubbaland howlgalkaas, taas oo uu ku sheegay inay muujinayso wada-shaqaynta ka dhaxaysa maamulka Jubbaland iyo kooxda Alshabaab.

“Waxaa jira xogo cad oo tilmaamaya in kooxda Alshabaab ay door weyn ka qaadatay weerarkii lagu soo qaaday ciidamada dowladda. Tani waxay tusaale u tahay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo kooxda Alshabaab,” ayuu yiri Alcaddaala.

Alcaddaala wuxuu sheegay in Golaha Xukuumaddu ay magacaabeen guddi heer qaran ah oo baaritaan qoto dheer ku sameynaya dhacdadii Raaskambooni, si loo caddeeyo xiriirka ka dhaxeeya Jubbaland iyo Alshabaab. “Guddiga wuxuu si dhameystiran u baarayaa arrintaas, wuxuuna warbixin rasmi ah ugu soo gudbin doonaa xukuumadda,” ayuu raaciyey hadalkiisa Wasiir Alcaddaala.

Dhinaca kale, maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin eedeymaha culus ee uga yimid dowladda Federaalka, iyadoo ay suuragal tahay in saacadaha soo socda ay Jubbaland war kasoo saarto eedeymahan.