1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Shiinaha oo Ka Cadhooday Ka Qaybgalka Taiwan ee Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland
 

Jimco, December 13, 2024 (HOL) - Dowladda Shiinaha ayaa si adag u dhaleeceysay booqashada Wasiirka Kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Francois Wu, oo ka qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyada oo ku tilmaantay tallaabadan mid jabinaysa mabda’a "Shiinaha Midka ah."

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, oo la hadashay warbaahinta, ayaa ku celcelisay mowqifka Shiinaha, waxayna tidhi, "Taiwan waa qeyb aan laga goyn karin Shiinaha. Dadaallada lagu doonayo ‘madax-bannaanida Taiwan’ iyada oo la kaashanayo xidhiidho dibaddeed waa kuwo fashil ku dhammaan doona."

Mao ayaa sidoo kale amaantay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay u hoggaansantahay siyaasadda Shiinaha Midka ah iyada oo dhinaca kale ugu baaqday Somaliland in aysan sii wadin xidhiidhka Taiwan. “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada Somaliland in ay ilaaliyaan mowqifka Shiinaha Halka ah,” ayay tidhi.

Somaliland iyo Taiwan ayuu xidhiidhkoodu si rasmi ah bilaabmay sanadkii 2020, iyagoo iska kaashaday dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, iyo waxbarashada. Labadan jamhuuriyadood oo aan haysan aqoonsi buuxa ayaa xidhiidhkooda ku saleeyey mabda'a xornimo doonka ee ay wadaagaan.

Xidhiidhkooda ayaa cadho geliyey Shiinaha oo u arka tallaabo halis gelinaysa midnimadiisa dhuleed iyo Soomaaliya oo u aaminsan in Somaliland ay weli ka mid tahay dhulkeeda. Waxayna si adag uga soo horjeedaan xidhiidhkan 4 sano jirsaday.