1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2024
Ra'iisul Waasare Xamse oo Muqdisho ka furay Shir weynaha Qorshaha ka hortagga iyo la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada

Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta furay Shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgalinta Argagixisada.

Ujeedka Shirka ayaa ah in Dowladda, ganacsatada iyo bulshadu ay iska kaashadaan la dagaallanka maalgalinta Argagixisada, iyada oo la bartilmaameedsanayo dadka la shaqeysta Al Shabaab iyo kuwa Maalgeliya, waxaana ciddii lagu helo danbiga noocaas ah la horgeyn doonaa Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo argagixisada ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxa uu hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxda Al shabaab, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“ ayuu ku yiri Ra'iisul wasaaraha Khudbadii uu Shirkaan ka jeediyay.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Al shabaab iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.