1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka
 

Axad, December, 15, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha amnjga Qaranka oo ka dhacay gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray xaalada guud ee amnjga dalka iyo qorshaha kala guurka ah ee howlgalka ATMIS, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mif yihiin Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha amniga Qaranka iyo Taliyaasha c5iidamada Qaranka.

"Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM" ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Waxaa sidoo kale shirkaan golaha amniga Qaranka lagu Casuumay, islamarkaana warbixin looga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo shirka ku soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa shirka kusoo bandhigtay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee looga qaado meelo ka mid ah gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaama guddigu ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax soo saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hay’adaha ku shaqada leh ku adkeeyey inay si deg deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadaha haysata  beeraleyda Soomaaliyeed si ay u helaan fursado ay ku horumariyaan wax soo saarkooda, islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha ee dalka hodanka ku yahay.