Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka kala wareegay Yuusuf Madaale
Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu qabtay munasaabad ay xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo bedalaya Gudoomiyihii hore Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxaana xilalka u kala wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku amaanay Guddoomiyaha xafiiska baneeyay Yuusuf Madaale shaqooyinkii adkaa ee uu kasoo qabtay Gobolka Banaadir, asigoona kula dar-daarmay Duqa cusub ee Gobolka Banaadir Amiir in uu dar-dargeliyo qorshayaasha horumarinta Caasimadda oo ay ugu horeyso Adeegada dad-weynaha iyo in bulshada la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod si ay usoo doortaan mas’uuliyiintooda.
“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Gudoomiyaha cusub ee G.Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kasoo qeyb galayaasha munaasabadda la wadaagay in qorshaha ay ugu jirto inuu noqdo Duqii Magaalada ee ugu dambeeyay ee lasoo magaacabo uuna shacabka Caasimadda ujiheeyn doono inay Gudoomiyaha Gobolka soo doortaan.
Madashii xalay waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaashii Gobolka Banaadir ee xilalka kasoo qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar sida Cumar Maxamed Maxamuud Finish iyo Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.