1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 19, 2024
Maxay yihiin afarta la yaab ee Fahad Yaasiin uu ka sheegay Raaskambooni?
 

Khamiis, December 19, 2024 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa ka hadlay afar la yaab oo uu ku micneeyay dagaalkii ka dhacay magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubadda Hoose kadib markii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku dagaalameen ugu dambeeyna keentay in ciidankii Dowladda ay qaar isku dhiibaan Jubaland kuwa kalana ay u baxsadeen dhinaca soodinta Kenya.

Fahad Yaasiin ayaa qodobka ugu horeeya waxa uu ku sheegay In qof masuul ahi uu af buuxa ugu faano inuu galay danbiyada qaranka laga galo mid kamid ah, oo ah in Ciidanka Qaranka xabad lagu rido, misana lagu dhiirado in iyagoo maxaabiis ah sawir laga qaado taa uu ku tilmaamay mid  mahadho taariikhda ku hari doonta.

Fahad Yaasiin ayaa qodobka labaad ee uga hadlay arrimaha Raaskambooni waxa uu kusoo qaatay in wixii ka dhacay Magaaladaasi aan laga xisaabtamin waxana uu sheegay In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas le’eg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah.

Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa carabka ku dhuftay in dayac uu ku qabsaday ciidankii Dowladda ee la geeyay Raaskambooni waxaana uu tilmaamay in  Askartii la geeyey Raaskanbooni isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn waxa uu intaa raaciyay in Qaarkood is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa waxana su'aal iska weydiiyay cidda Heerkaas ciidanka gaarsiisey.

Ugu dambeyn waxa uu Fahad Yaasiin ka hadlay doorkii Kenya ee xiisada Dowladda federaalka iyo Jubaland waxana uu shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Kenya William Ruto uu door biday la macaamilka Dowladda Federaalka isagoo wax ka baddalay dhaqankii Uhuru Kenyatta Hase yeeshee, dhacdada Raaskambooni baa is baddal weyn ku keeni karta isagoo ka eegaya dhanka amniga xuduudaha.