12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay iney ka go'an tahay xal u helista colaada ka jirta xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe
 

Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Xaalada deganaasho ah ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka jirto deegaanada dhaca xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kadib dadaalo nabadeed oo ay halkaasi ka hirgaliyeen masuuliyiin uu hoggaaminaayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad wehliye oo ay wehlinayaan Wasiiru dowlaha Cadaalada Hirshabelle Mahad beyle iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kala dhex galay maleeshiyaadka labadaan beelood ee dirirtu dhexmartay.

"In nabad loo helo waa lama huraan dadka walaalaha ah ee colaadu u dhaxeyso, Nabadu waa wax bir aysan goyn karin biyane meyri karin waa in la helo dhab u heshiisin buuxdo si loo gaaro taasina maamulka Iyo saraakisha Ciidamada Qalabka Sida waa iney ku bixiyaan dadaal dheeraad ah wax kasto sidii loo heli lahaa Nabad iyo wadajirka dadka Walaalaha ah" ayuu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Muuse iney ka go'an tahay xal u helista dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelleha dhexe, isagoona ku dhiirigeliyay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iney sii joogteeyaan sadaalada adkeeynta nabad galyada inta laga xaqiijinayo midnimada beelaha walaalaha ah.

"Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xaqiijinayaa Dadaalada dhab-u-hishiisinta si loo baajiyo Dhiiga Walaalaha soomaaliyeed si aay wadajir ugu midoobaan kooxda khawariijta ah ee isku dirayo beelaha walaalaha loogana baaqsado dagaal Beeleed dambe oo aan laheen natiijo" ayaa lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii dadaaladaan la doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo labadaan beelood ayaan la ogeyn sida ay u hirgeli karaan, maadama dhowr jeer oo hore beelahaan kasoo kala jeeda Xawaadle iyo Abgaal la heshiiyay, islamarkaana ay dib u burbureen heshiisyadii la dhex dhigay.