12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Puntland: Waa wax yaableh oo siyaasada dalka ku cusub in maamul doorasho galay la weeraro
 

Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay duulaanka  ku hayso maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay  in dowladda Federaalka ay Jubbaland u colaadinayso sababta uu maamulkaas u qabsaday doorashada madaxtinimada, ugana horyimid muddo kororsiga dowlad goboleedyada.  

Lugatoor ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay jebisay sharuucdii dalka u yaallay, isagoo tilmaamay in dalku khatar ugu jiro dagaallo sokeeye.

"Waxaa yaableh in state doorasho galay la weeraro. Waa wax cusub oo dowladnimada Soomaaliya kusoo biiray. Soomaaliya in loo turo ayay u baahan tahay," ayuu yiri Lugatoor.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ka hortimid doorashada maamulka Jubbaland, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeysay Axmed Madoobe qaran dumis.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay waaran lagusoo xirayo madaxweynaha Jubbaland, taasoo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee jirtay.